Deepika Padukone ayaa ku mashquulsaned Filimkeeda Chhapaak ee ay hogaamiyaha iyo qarash gareeyahaba kawada ahed kadib markii mashruucan ka guuldaresytay xidigtaan waxay usoo jeedsatay mashaariicdeeda kale.

Waxaa usaxiixan hader ilaa seddex Filim mid waa 83 oo ay seygeeda Ranver Singh la jili doonto misane ay qarash gareeye ka tahay iyada waxay kaloo saxiixatay Filim ay Rishi Kapoor la jileyso.

Waxaa lagu magacaaba The Intern waana Filim Hollywood ah balse dib loo sameynaayo isagoo Bollywood ah waxaana hogaamineyso Deepika halka Rishi Kapoor caawinaayo door muhiim ahna ku leeyahay.

Mar ay la falgaleysay saxaafada waxaa wax laga weydiiyay Filimkaan xog kusaabsan waxayn tiri,”Filimka waxuu isku keenaya labo qof aan iski jiil ahen aadna ukala fog da-ahaan waxuuna ka hadlaa sidee isku fahmi lahaayen labadaas qof.”

“Waa labo qof isku jiil ahen, isku dhaqan ahen, isku dabeecad ahen aadna ukala duwan misane muhiim tahay inee isfahmaan” ayee tiri xidigtaan horey waxay uwada sameyeen Filimkii Love Aaj Kal Deepika iyo Rishi waana mashruuc hirgalay markaana inee wacdare kale dhigi doonaan ayaa la filaa.

Dhanka kale Deepika waxay saxiixatay Filim kale oo aan wali magac loo bixinin balse la jili doonaan Ananya Panday iyo Siddhant Chaturvedi waana filim arimaha qoyska ka hadlaayo 20201 maalinta jaceylka aduunka ku beegantahay ayaa la daawan doonaa balse waxay isku dhici doonaan Akshay Kumar, Sara Ali Khan iyo Dhanush Filim ay wataan oo lagu magacaabo Atrange Re.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here