Atiriishasa caanka ah Deepika Padukone wareysi ay dhowaan bixisay waxay in badan kaga hadashay xiriirkeedii hore kahor inta uusan Ranver Singh guursanin, sida loo qiyaanay iyo go’aankii kama dambeysta ahaa ee ay ka qaadatay qofkaas.

Mar wax laga weydiiyay xiriirkeedi hore waxay tiri iyadoo aan qofna magac-qaadin oo waxay diidaned inee magaciisa xusto waxay tiri,”waxaa xaqiiqo ah xiriirkeygii hore inuu idhaawacay balse aniga ayaa nacas ahaa oo fursad labaad isaga siiyay kadib markuu i qiyaanay.”

“Markuu ibaryay khaladkiisana qaatay ayaan fursad labaad siiyay laakiin maxaan ka faaiday markale ayuu i qiyaanay waliba markaan aniga qiyaanadiisa ku qabtay mana uusan dafiri karin waana marka aan go’aan ka gaaray inaan noloshiisa ka baxo mudo dheer ayee igu qaadatay inaan ilaawo xiriirkaas laakiin dib uma noqon horey ayaan usocday waana is ilaawsiiyay isaga iyo xiriirkiisa aan natiijada laheen.”

Iyadoo ka hadleysa inee kuwada heshiyeen joojinta xiriirkooda iyada iyo ninka xiriirka kaoa dhaxeeyay waxay tiri,”markii ugu horeysay ee uu i qiyaanay waxaan isdhahay ma xiriirka ayaa wax ka qaldan mise adiga oo marnaba iskama dhaadhicin in isaga qaldan yahay.”

Balse qofka hadduu dabeecad ka dhigto qiyaanada waa bas gadaal waxaan ka ogaaday inuu isaga qaldanyahay anigana ma jecleen inuu xiriirka bur buro laakiin danta ayaa keentay ileen qof qiyaano badan lama socon kartid si heshiis ku dheehan oo dagaal ahen ayaan isku afgaranay inaan xiriirkan halkaas ku joojino waxaan ku kala tagnay bilaa buuq la’aan iyo is qabqabsi la’aan.”

Sidaan wada ognahay Deepika waxay xiriir la laheed mudo 2-sano ah Ranbir Kapoor kaaso ay kala hareen 2009 wixii markaa ka dambeeyay Deepika Ranver ayee la saaxiibtay ilaa uu ka guursaday halka Ranbir uu oa saaxiibay Katrina balse wey kala tageen iyadiina hader Alia Bhatt ayee isla socdaan.

Balse waxaa is weydiin mudan ma Ranbir ayee ka hadleysaa mise wiilashii lagu xaman jiray Ranbir kahor sida wiil waxaa jira Cricket ciyaara oo Deepika la socday Ranbir kahor iyadana wey diiday ninkaan ay ka hadleyso inee magacaawdo waxayse u badan tahay inuj Ranbir yahay.

2 COMMENTS

  1. hhhhhhh qalbiga ka raacay ranbir wali way iloobi la,dahay xitaa hadii la guursaday waxaa cad iney ranveer singh marnaba aanay wax jacayl ah ku guursan hhhhh awalba waan ogayn iney madax madax isigu tuurtay ranveer

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here