Atiriishada caanka ah Deepika Padukone ayaa soo gaba gabeysay duubista filimada kala ah 83 iyo Chhapaak waxayna hader isku diyaarineysaa inee sameysi filimkeeda xiga ee Luv Ranjan Director-ka yahay kaaso ay la jili doonto Ranbir Kapoor.

Deepika Padukone

Maalmihii ugu dambeyeen warar xan ah ayaa la faafiyay oo sheegayaan in Deepika mashruucan isaga baxday gabi ahaanba warkaan markee Deepika maqashay wey ka naxday waliba kooxda filimka ayaa yaabeen xili kulamada badanayaan oo diyaarinta socoto ayaa internet-ka warkaan lagu faafiyay.

Deepika Padukone

Wararka ayaa intaas ku dareen in Deepika atiriisho kale lagu bedeli doono sababta ay Deepika oga baxday mashruucan ayee ku sheegen in Director-ka filimka kamid yahay liiska Ragga Bollywoodka lagu eedeyay kufsi balse sheekada odhan Deepika wey iska fogeysay.

Luv Ranjan filimkiisa xiga ee jaceylka ah Ranbir Kapoor iyo Deepika Padukone ayaa wada jili doonaan wax war oo sugana ma jiraan misane sheegayaan in atiriisho kale kujirto maadama xidigahan ay doonayaan Tamasha kadib inee daawadayaasha ka yaabsadaan markale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here