Atiriishada caanka ah Deepika Padukone ayaa ka qeyb gashay xaflad aroos lagu qabtay magaalada Bangalore ee dalka India waana xaflad aroos ay dhigatay mid kamid ah saaxiibada Deepuu ugu dhow.

Xidigtaan ayaa labis ahaan goobta la tagtay Saari midabkiisa yahay dahabi waxaana laga qaaday sawiro oo dhex mushaaxayaan Internet-ka inaba caadi ma ahan dhoola cadeynteeda.

Deepika Padukone looks regal as she wears a golden saree for her friend's wedding in Bengaluru; Check it out

Waa xilo cilaan saar ah ama gabadha aroosada cilaanka loo saarayey sida sawirka laga fahmi karo xogtana sheegeyso waxaa la filaa in maanta aqal galaan lamaanahan kadibna bisha dambe xaflado dabaal dagyo dhigtaan mana ahan kuwa Bollywood katirsan ee Deepika dad ay is yaqaanan waaye kaliya.

Dhanka shaqada bisha Janaayo 2020 Deepika waxaa tiyaatarada loo saari doonaa Filimkeeda Chhapaak uu la jilaayo Vikrant Massey halka xidigtaan seygeeda kula midowday Filimka 83 ee nolosha Kapil Dev looga hadlaayo ugu dambeyn Deepika waxay saxiixatay Filim Taariikhi ah oo lagu magacaabo Mahabarata.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here