Waxaa shalay lasoo bandhigay goos gooska filimka Chhapaak oo dadka badankooda ay ammaanen waxayna ku tilmaameen filim dhiiro galin iyo wacyo galin u ah guud ahaan bulsha weynta oo dhan waxaanay la ammaanay Deepika bandhigeeda taariikhda galay iyo sidee shaashada kag dhabeysay.

Waxaa ilaa shalay baraha bulshada iyo meel walba dhex wareegayey muuqaal laga duubay Deepika oo ilmeyneyso xili ay ku sugneed goobta filimkaan goos gooskiisa lagu soo bandhigaayey maalintii shalay ahed, Deepika wey xakameyn weysay dareenkeeda waxaana ka ilmeysiiyay mashruucan Chhapaak.

Kahor inta uusan bilaawan wareysiga saxaafada waxaa la arkay Deepika oo indhaheeda ilmada ka qubanayaan waxayna ka qiirootay Filimkaan murugada leh ee nolosha dhabta ah ay kudhacday taariikhdan gabar lagu magacaabo Laxmi Agarwal oo wajiga aashito looga shubay.

Kooxda Filimka ayaa sheegen in aysan ahen markii ugu horeysay ay Deepika ilmeyso waxay sheegen maalintii kowaad ee ay Chhapaak duubi lahaayen in Deepika la aamusin waayey oo ay qiirootay weyna ku dhibootay inee duubto ama iska dhigto gabar wajiga aashito looga shubay noloshana naceyso.

Sido kale waxay sheegen in markii sheekadan loo akhrinaayey bilawgii ay ka qiirotay weyna ooysay waxay kooxda Filimka ku tilmaameen Deepika qof aad  u calool jilcan laakiin Deepuu kaliya ma ahan dad badan oo goos gooskan daawadeen ayaa qiirodeen fadlan hoos ka daawo muuqaalka Deepika oo qiirooneysa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here