Atiriishada caanka ah Deepika Padukone ayaa loo baqanayaa waqtigaan la joogo in nafteeda halis gasho ama lasoo weeraro kadib ficil ay ku dhaqaaqday oo xasarad abuuray heer loo caga jugleeyona sheekada ay tagtay.

Deepika hinduga ayaa kudhagan misane ku heystaan sababta ay u booqatay jaamacad ay dhiganayeen arday muslimiin ah oo godob ka tirsanayaan dowlada India sido kalena kasoo horjeedaan waana qas iyo qalaalso socday mudo 2 bil kudhowaad ah India oodhan ayuuna buuqan ka jiray xitaa ganacsiga Dabangg 3 saameeyn ku noqday.

Deepika ayaa la safatay kooxdan kadibna hinduga ayaa ku kacay weerarka hader baraha bulshada ayuu kaga socdaa hinduga badankood ayaa Deepika taageero kala laabteen halka muslimiinta dhiiro galinayaan iyada.

Qaar kamid ah hinduga waxay dhaheen”Deepika maanta kadib India ma ahan wadanina ma ahan” kuwa kale dil ayee ugu hanjabeen halka kuwa kalena ay taageero kala laabteen.

Deepika Padukone at the JNU campus in Delhi on Tuesday.

“Intaa Chhapaak daawan lahaa Tanhaji ayaa daawana anigo og in Chhapaak fiican yahay siweyna usugaayey Deepika adiga sababta waaye” gabar ayaa sida soo qortay wiil ayaa sido kale yiri,”6 maalin kahor taageera ku ahaa balse hader waan kaala laabtay midaas.”

Deepika ayaa la qiyaasayaa inee taageero fara badan lumisah waqtigaana nafteeda halis gali karto waa hadii xaalka isbedelin waxaase macquul ah inee qaadi doonto talaabo kale ay hindu kuso jiidan karto inkastoo muslimiinta halkaas kunool iyada la jiraan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here