Ranver Singh ayaa la sheegay inuu markale la midoobi doono shirkada Yash Raj Filims mashruuc kalena usameyn doono waliba kahor inta uusan duubis ku bilaawin Karan Johar filimkiisa Takht ayuu Ranver ka howl gali doonaa filim la magac baxay Jayeshbahi Jordaar.

Arinka xiisaha leh ayaa ah in atiriisho kowaad looga dhigay mashruucan gabadha sawirkeeda sare idiin kaga muuqdo taaso lagu magacaabo Shalini Pandey ahna atiriisho koonfur India kana soo muuqatay filimkii Arjun Reddy.

Markii hore waxaa la islahaa in filimkaan ay atiriisho ka noqon doonto Ananya Panday ama Sara Ali Khan midood balse Aditya Chopra oo qarash gareeyaha filimka ah ayaa xili hore sahansaday koonfur India kasoo jeeda waxuuna rabaa Bollywood inuu keeno.

Mar Deepika si kaftan ah loo weydiiya in Ranver doonaayo gabadhaan shaashada inuu ku shukaansado iyadoo qosleysa waxay ku jawaabtay inee iyada ku dhiiro galin doonto Ranver arinkaas maadama shaqadiisa tahay nolosha dhabta ahna sheekada ahen.

Shalini filimka waxay ku jilee gabar reer Gujrati ah oo jeclaaneyso nin ganacsade reer Gujrati ah asna ninkaasna waa Ranver Singh jaceyl xiiso leh ayee shaashada kusoo bandhigi doonaan xidigahan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here