Atiriishada caanka ah Deepika Padukone ayaa si rasmi ah shaaca kaga qaaday Cricket yaqaanka ay ugu xiiseyso kuwa gudaha India ka ciyaaraan waxayna tiri iyadoo ku dhawaaqeysa magaciisa xili ay saxaafada hor joogtay.
“Cricket yaqaanka aan ugu jeclahay inta Cricket-ka ciyaarto waa Rahul Dravid haa waa run wey jiraan xidigo kale Cricket-ka aan taageero balse isaga ayaa ugu horeeyo waa qof qaas ah oo aan ka helay bandhigiisa ciyaaraha.”

Dhanka kale Deepika waxay ka hadashay sida jilayaasha u hilmaaman noloshooda iyo caafimaadkooda iyagoo ka fikiraan sidee doorkooda kaga dhabeyn lahaayen uun una qancin lahaayen daawadayaasha arinkaas ineysan fiicneen oo caafimaadka gaarka ah laga fikiro ayee tilmaamtay xidigtaan.
Dhanka shaqada 10 Janaayo 2020 waxaa tiyaatarada loo saari doonaa Filimkeda Chhapaak oo ay kaga hadli doonto gabadha wajiga aashitada looga shubay Laxmi Agarwal taariikhdeeda waana Filim hindiya oodhan laga wada sugaayo.