Atirishada caanka ah Deepika Padukone ayaa hawada kusoo noqoneysa mudo 2 sano kadib waxaana maalinta berita ah tiyaatarada loo saari doonaa filimkeeda Chhapaak ee sida weyn loo wada sugaayo.

Chhapaak Deepika waxay ku jileyso gabar wajiga aashito looga shubay taaso nolosha naceyso balse markii dambe qaadan doonto go’aan geesinimo leh ayadoo nolosha la dagaalameyso hormarna gaareyso.

Waxayna kaha hadlee nolosha gabadha caanka noqotay ee Laxmi Agarwal taaso bilawgii qarnigaan wajiga aashito looga shubay si run ah hadaba Deepika ayaa xayeysiin balaaran u sameyneysa mashruucan si hindiya oodhan u gaaro.

Wareysiyo ayee saxaafada iyo Tv-yada siisa waxaana la weydiiyay hadii Ranver Filimadeeda daawado kahor inta aan tiyaatarada la saarin waxayna tiri,”Ranver si qaas ah loolama dhaqmo waxuuna lamid yahay daawadayaasha marka Filimka tiyaatarada la saaro kaliya ayuu daawan karaa kahor ma daawado.”

Sido kale waxay sheegtay in iyada xitaa sidaas tahay oo Filimadiisa markii lasoo daayo kaliya daawato kahor aysan daawan karin marka waxaa isweydiin mudan ma sharci labadooda dajisteen baa mise waa mod jilayaasha dhan ka dhaxeyo oo jilaaga looma ogolaan karo miyaa in qoyskiisa iyo isaga daawadaan Filimkiisa kahor inta aan tiyaatarka la saarin waa arin la isweydiinaayo jawaabtedana la baarayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here