Atiriishada Deepika ayaa ku guda jirto xayeysiiska Filimkeeda Chhapaak ee la daawan doono 10 bishaan Janaayo waxayna saxaafada siineysaa wareysiyo kala duwan iyadoo ka hadashay arimo badan sida nolosheeda, shaqadeeda iyo waxyaabo kale.

Mar wax laga weydiiyay nolosha iyada iyo Ranver Singh ku nool yihiin inee dadka la wadaagto waxay tiri,”waxaan ku noolnahay nolol farxad leh oo cajiib ah kaftan badan xiiso badan inbadan waan ku faraxsanahay noloshan.”

“Heer waalidkeen ay na dhaheen 35 sano kadib waxaad arki doontaan idinkoo duqoway oo sidan waqti macaan uwada qaadan doonin ee hader ka faaideysta dhalinyarnimadina waa run dadka marke dhalin yar yihiin iyo marke duqowan in aysan isku madadaalo aheyn oo isku si uwada damaashaadi karin.”

Deepika waxaa la weydiiyay hadii iyada iyo Ranver is dagaalaan mararka qaar marke guriga joogaan waxayna tiri,”maya waligeen hadal qalafsan xitaa isma aynan oran mudada halka sano wada nool nahay.”

“Waan kaftana balse ma ilaawno inaan ia xushmeyno oo qofba qofkale xushmad ayaan isku heynaa iyo maqaamka aan kala joogno mida kale aniga iyo Ranver dabeecad ahaan waan kala duwanahay hadana isma Khilaafno oo waan is fahamnaa.”

“Isaga subaxii hurdada inuu kudaaho ayuu jecel yahay oo xili dambe ayuu soo kacaa halka aniga subaxii xili hore aan kaco marka aad ayaa ukala fognahay dabeecad ahaan hadana waan is fahamnaa marwalba.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here