Atiriishada caanka ah Deepika ayaa si adag u canaanatay saxaafada dalka Hindiya haderna waxaa macquul ah iyaga dhan inee iyada kusoo jeestaan maadama bariiskooda ay caro kaga shubeyso waxayna ku heysata sababta ay Sushant meedkiisa lacag oga raadinayaan.

Deepuu oo hadleysa waxay tiri,”waxaan heysanaa saxaafad iyo dad ka ganacsanayaan meedka Sushant ayagoo muuqaaladiisa meel walba ku wad-wadaan amar la’aan horta ma xuma inaad dadka la wadaagtaan wax walbo balse soo kama fiicna inaad qoyskiisa fasax ka qaadataan.”

“Waxaa wanaagsan inaad qoyskiisa fasax ka qaadataan hadey idiin ogolaadan markaas meesha doontaan dhiga muuqaladiisa tacsida bakse amar la’aan ayaad ka ganacsaneysan muuqaalada Sushant midaasna waa khalad weyn” xidigtaan ayaa indhaha ushidatay saxaafada waxayna si dadban usheegtay inee saxaafada isku direyso shacaba iyo Bollywoodka.

Dhanka kale saxaafada muuqaalada ay wareejiyaan oo la daawado waxay sababtay 9-qof hindu ah geeridooda ileen waxay isku dileen murugada Sushant markee daawadeen muuqaaladaas calool xumada ah ee Sushant lagu xasuusanaayo sikaste ahaataba Deepika ayaa noqotay qofkii kowaad ee saxaafada indhaha ushidatay xiligaan una sheegtay inee joojiyaan faafinta muuqaladaas waliba amar la’aan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here