Salman Khan waxuu soo caan bixiyay atiriishooyin badan sida Daisy Shah, Athiya Shetty, Sonakshi Sinha iyo kuwa kale oo badan sido kale atiriishooyon maqaam leh ayuu shaashada la wadaagay sida Jacqueline, Anushka, Disha iyo kuwa kale.

Balse Mega Star-kan wali shaashada lama.uusan wadaagin boqorada Bollywoodka Deepika Padukone waana arin dad badan is weydiiyeen sanadihii u dambeyeen sababta Salman iyo Deepika Filim uwada sameeyn waayeen hadaba Xaaska Ranver Singh ayaa arinkaan dadka oga jawaabeyso bal aan wada ogaano.

Deepika oo ka qeyb gashay barnaamijka Big Boss 13 ee Salman daadihiyo si ay Chhapaak xayeysiin ugu sameyso waxay xidigtaan goobta la shaacisay sababte Salman ula shaqeyn weysay isagoo goobta jooga ayaana suaashan la weydiiyay waxayna ku jawaabtay.

“Sababta waa in aynan wali helin sheeko nagu haboon oo aan shaashada kuwada qeybsan karno waan la shaqeyn doonaa Salman balse waa marka aan helno sheeko nagu haboon iyo fariin heer sare ah oo nawada deeqda waa hubaal Filimsameyihii iila yimaado sheeka fiican inaan horey ka saxiixan doono.”

Sidee xal ah yaawaye Filimsameyaha sheeko fiican u diyaarin karo xidigahan oo laba door isku jin ah kala siin karo Sallu iyo Deepika ileen Deepuu waxay rabtaa Filim Salman uusan ka door weyneyn oo ay shaashada la qeybsan karto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here