Deepika Padukone Iyo Nimankii Ay Xiriirada Jaceyl Lasoo Sameysay (+Sawiro)

Atirishada Deepika Padukone oo maanta kamid atirishooyinka ugu awooda badan Fanka Hindiya ayaan maanta falanqeyn doona xiriiradi jaceyl e ay laso yeelatay Ragg kala duwan.

Padukone sidaan wada ognahay waxay jaceyl dhab ah u qaaday wiilka reer Kapoor ee Ranbir Kapoor waliba Deepika jaceylka ay Ranbir u qaaday ma noqon mid qarsoomay oo isaga ayaaba banaanka iska yimid maadama Deepika dhankeda laga dareemay.

Sido kale waxaan wada ognahay iney hader xiriir la leedahay Ranveer Singh balse waxaa xaqiiqa ah in aysan waqtigan Ranveer u jecleen sidii ay u jeclaatay Ranbir oo kale hase ahaate Ranveer ayaa guursan doono mustaqbalka dhow.

Hadbaa markii Ranbir iyo Ranveer lagaso tago waxaa jiraan wiilal kale oo ay Deepika xiriir lasoo yeelatay balse xaqiiq aanan loo heynin ee kaliya lagu xaman jiray.

Fadlan Halkaan Hoose Kaga Bogo Deepika Iyo Raggi Ay Xiriirada Jaceyl Lasoo yeelatay Kuwaaso Lagu Xaman Jiray..

Nihar Pandya:

Nihar Pandya

Waa wiilkii ugu horeyay ee Deepika lagu xaman jiray waxayna saaxiib kula ahaan jirtay Mumbai ayago ku kulmay riwaayad iskuul lagu qabanaayey sanadki 2005 oo ay labadoodaba ka qeyb qaaten.

Waxii markaas ka dambeyay Deepika wiilkan waxay wada socdeen mudo kooban kadibna wey kala hareen sababo aan la garaneynin.

Upen Patel:

Upen Patel

Upen iyo Deepika waqti la isku xaman jiray ayaa jirtay sido kalena xiriir hoose ayaa ka dhaxeyay sida la sheegay balse xaqiiq looma haayo Upen aya la sheegay inuu jaceyl waali ah u qaaday gabadhaan mudo 2 sano aye wada socdeen ayagoo iskusoo dhowaansho la dareemi karo sameyeen kadibna wey kala hareen.

Siddharta Mallya:

Siddharth Mallya

Deepika waxay xiriir ka aqbashay wiilka Tv-yada ka shaqeya ee Siddharta mudo ayeena saaxibo ahaayen oo ay xiriirkoda qar qarinayaen markii dambena waxaa la arkay ayagoo kala fogaaday oo kala hareen.

Muzamil Ibrahim:

Muzamil Ibrahim

Wiilka Model-ka ka shaqeya aye hadana Deepika la saaxibtay maadama Deepuu aad u yareyd xiligaas dhalinta ayaa kusoo xoomayeen.

Balse Muzamil iyo Deepika waqti yar unbee wada socdeen kadibna isfaham dari ayaa soo kala dhexgashay weyna kala hareen.

MS Dhoni:

Halyeeyga Ciyaarta Cricket-ka MS Dhoni ee gabar walba ku riyooto inee saaxib la noqoto waxaa la sheegay inuu mudo yar saaxiib la ahaan jiray atirishada Deepika ee sida waalida ah usoo jiidatay.

Deepika iyo Dhoni xiriirkoda ma waarin mana noqon mid in badan lagu sheekesto inkastoo saxaafada daba gal weyn ku heysay hadana waxay isku afgarteen in ay kala haraan.

Yuvraj Singh:

Yuvraj Singh

Waa xidig kale oo Cricketka u cayaara kaaso la saaxibay atirishada Deepika balse marwalba Deepika iyo Yuvraj waxay saxaafada ugu sheekeyn jireen inee saaxibo caadi ah yihiin oo uusan wax xiriir ah kale ka dhaxeynin hase ahaate saaxibtinimadooda ma waarin oo safaaradaha aye kala qaaten taaso cadeysay inuu xiriir kala dhaxeyn jiray.

Ranbir Kapoor:

Ranbir Kapoor

Deepika oo xaalka kuxun wiilal badana xiriir usoo jartay maadama dooqeda aysan noqonin dhamaantoda ayaa markii dambe waxay heshay wiilkii ay ku riyoon jirtay abid ama dooqedi ahaa kaaso ah Ranbir Kapoor.

Deepika aad aye u jeclaatay Ranbir marar badana wey qiratay jaceylkeda sido kalena lamaanahan aad ayaa loo hadal hayey maadama jaceylkoda muujisteen Bollywoodka oo dhan ayaa laga wada ogaaday sanadadii ay fanka kucusbaayen.

Balse wiilka reer Kapoor oo fanka kucusub gabar walba ayaa soo damacday waxaana lamaanahan jaceylkooda soo kala dhex gashay Katrina Kaif oo ka heshay Ranbir sido kale Katrina Ranbir dartiisa aye saaxiibkeda Salman u xumeysay oo ay oga soo tagtay sidaa awged Ranbir asna waxuu ka tegay gabadhii sida daacada u jecled ee Deepika.

Deepika markii ay kala hareen Ranbir kadib wax xiriir ah mudo kooban ma aysan sameenin maadama ay aad oga niyad jabtay falka Ranbir ku dhaqaaqay.

Ranveer Singh:

Ranveer Singh

Deepika waxay is barteen Ranveer Singh xili ay Dubai kuwada sugnaayen Ranveer waa wiil kaftan badan mudo yar ayuuna Deepika isku baray oo uu ku hilmaamsiyay Ranbir iyo xiriirkedi hore waxuuna ka dalbaday xiriir jaceyl.

Aad aye usoo dhaweysay maantana waa lamaane aad isugu fiican aadna isku jecel marar badan ayaana guurkoda la isku xantay balse mustaqbalka dhow waxaa la filaa in ay isguursan doonan.

Dhamaad…