Home » Nolosha Jilaayaasha » Deepika Padukone Ma Waxay Ka Maseersantahay Director Shoojit Sircar Jaceylka Uu U Qaaday Varun Dhawan?

Deepika Padukone Ma Waxay Ka Maseersantahay Director Shoojit Sircar Jaceylka Uu U Qaaday Varun Dhawan?

Director Shoojit Sircar waa filmsameye sameya aflaam sheeko wanaagsan sido kalena jilayaasha Bollywodka waxay iska jecleestaan la shaqeynta ninkaan ayadoo ay la tahay riyo u rumowday.

Hadaab Deepika ayaa nasiibkas horey u yeelatay maadama Shoojit uu Director ka ahaa filmki Piku ee guusha wacan gaaray sheekadiisana aadka loo amaanay.

Sido kale Shoojit waxuu ka hela xirfad wanaaga atoorahan dhalinta ah ee Varun Dhawan kaaso had iyo jeer filmsameyaasha uu la shaqeyo soo jiito shaqadiisa oo heer sare ah aawged.

Shoojit wuu ka aamusi waayey midaan waxuuna qaatay Twitter-ka asigoo amaan ugu qubeyay atoorahan lehna waa shaqsi wanaagsan waana u duceyay iyo hadalo kale oo amaan ah.

Deepika Padukone malaha waxaad mooda inee ka yara hinaastay hadalkaas (kkkk) ayadoo ka aamusi weyday waxayna kasoo hadashay Post-ga Shoojit waxayna tiri “Ma sidaa baa”

Shoojit oo qoslaya ayaa ugu jawaabay,”markaan filmka October wada duubeynay kaliya adigaan kaa hadleenay oo aan arinkaada heynay.”

Deepika oo dhankeda kaftameysay ayaa ugu jawaabtay,”waa inaad iiso cadeysa he arinkaas (in aad aniga iga sheekeyneseen).”

October waxaa Director ka ah Shoojit Sircar waxaana la daawan doona 13 bisha April waana film jaceyl ah qiirona leh aadna loo soo dhaweyn doono sheeko ahaan sida lahubo.