Home » Nolosha Jilaayaasha » Deepika Padukone Oo Baraha Bulshada Ku Shaacisay Ine Ka Bad Baaday Dabkii Kacay Nabadna Qabto!!

Deepika Padukone Oo Baraha Bulshada Ku Shaacisay Ine Ka Bad Baaday Dabkii Kacay Nabadna Qabto!!

Atirishada Deepika Padukone ayaa galabkaan ka bad baaday dab ka kacay dhismo weyn oo ay dhinac ka daganeed kuna yaalay magaalka Mumbai.

Deepika waxay dhismahan ka degened sidaa horey idiin kugu sheegnayba dabaqa 24aad halka dabkaan uu ka kacay dabaqa 32aad sido kalena ilaa 4 dabaq saameyay dad badan wax ku noqdeen.

Hadaba markii hore taagerayaasha Deepika iyo saxaafada waxay ku shakisnaayen in Deepika wax soo gaareen maadama xaalkeda laga war qabin balse si deg deg ah ayee atirishadan baraha bulshada kaga soo hadashay.

Waxay tiri Deepika,”Aniga waan nabad qabaa oo waan bad baaday wax dhibana ima soo gaarin waana ku mahadsantihiin sida aad iiga wal walsheen dhamaantina balse aan u wada duceeyno geesiyaasha dab damiska ah ee naftooda u hurayaan shacabka goobta ku gubanayaan si ay u bad baadiyaan.”