Atariishada Deepika Padukone ayaa waxay ka qeyb galeysay mid kamid ah barnaamijyada ka baxa TVyada India waxaana barnaamijka ku wehliyay seygeeda Ranveer Singh, Alia Bhat iyo Vijay Deverakonda waxayna barnaamijkaas uga hadlayeen sameynta filimada iyo xiriirka ka dhaxeeyo jilayaasha.

Vijay ayaa yiri; hadaan xaqiiqda kahadlo aniga inbadan oo jilayaal ah ayaan taageeraa waliba saa’id heer qaar kamid ah jilayaashaas aan xoogaa yar jaceyl u qaado waxaana kamid ah labadaan atariisho horteyda fadhiyo” asigoo ula jeeday Deepika iyo Alia.

Vijay oo qoslaayo ayaana hadalkiisa ku daray; balse dhanka Deepika sheeko waa kasoo gabo gabowday maadaama ay guursatay”.

Balse Deepika oo meesha fadhisay ayaa tiri; Alia xitaa iyadoo arinkeeda dhinac u dhacay kasoo qaad waayo wadadii guurka ayay ku socotaa”.

Balse Alia ayaa kasoo dhex gashay waxayna Deepika weydiisay; “Exusme, ma garanaayo halka aad fikradaan (guurka) ka keentay” balse Deepika ayaa Alia u sheegtay iney ku kaftameysay hadalkaas ayadoona ku sigatay in baxar gasho maadaama hadalheynta saxaafada run u qaadatay inastoo Alia iyo Ranpir wali aysan arinta guurkooda ka hadlin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here