Deepika Padukone oo iska diiday ugu yaraan sadax filim kuwaasoo ay shaashada kala soo muuqan laheyd ninkeeda Ranveer Singh iyo sababta ka dambeyso diidmadaas oo kaa yaabin doonto.

0
1545

Atariishada Deepika Padukone waa atariishada haatan Hormuudka u ah Hollywoodka ayadoona sidoo kale ah atariisho guusha la saaxiib ah waxayna 12dii sano ay fanka Inida ka tirsaneyd ku gaartay maqaam weyn.

Atariishadaan oo u dhaxdo jilaaga Ranveer Singh ayaa sheegtay iney iska diiday jaanis ay filimaan badan kala soo muuqan kartay ninkeeda Ranveer Singh waxayna sheegtay in dhawaan ay diiday ugu yaraan sadax filim kuwaasoo la rabay in iyada iyo Ranveer Sing shaashada lagu kulmiyo balse waxay sheegtay in gabi ahaantoodaba diiday.

Deepika ayaa sababta diidmadeeda ka dambeyso ku tilmaantay ineysan dooneyn in jamaahiirteeda ka badbadiso filimada ay ninkeeda shaashada kala soo muuqaneyso maadaama horay ula sameysay sadax mashruuc oo guulo waaweyn gaareen sidaas owgeed ma dooneyso in mashaariicdaas uu ku xigsado fashil is xigxiga soo jiidashada lamaanahaana meesha ka baxdo.

Deepika iyo Ranveer ayaa isla sameeyeen filimada Padmavaat, Bajiro Mastani iyo Ram Lela kuwaasoo dhamaantooda guulo waaweyn Box Officeka ka gaareen waxayna Deepika dooneysaa in mashruucyadaa kuwa u qalmo ay ninkeeda la sameyso halkii mashaariic badan guuldaro kala kulmi laheyd.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here