Deepika Padukone Oo Ka Hadashay Xanuunka Ku Dhacay Atooraha Irrfan Khan!

Atirishada Deepika Padukone aya ka qeyb gashay xaflada abaal marinta lagu bixinaayey ee Hello Hall of Fame Awards 2018 ayadoo ay kaso qeyb galeen xidigo kale.

Waxaa xusid mudan in Deepika  goobta lagu gudoonsiyay abaal marin sido kale waxay la fal gashay saxaafada ayadoo suaalo badan goobta lagu weydiyay.

Waxaa kamid ah in xanuunkii kudhacay jilaaga IrrfanKhan wax laga weydiyo waxayna ku jawaabtay ayado hadleysa,”Irrfan Khan waa qof wanaagsan waxuuna kamid yahay shaqsiyaadka aan bartaykuwooda ugu wanaagsan.”

“Waxaan xasuusta inaan wada sameynay filmka Piku ayaad ayaana ula dhacay xirfadisa wax badan oo dhanka jiliinka ah ayaan ka faaiday xaqiiq ahaana filmka Piku qeyb weyn ayuu kulahaa, midaan ah in uu xanuunsanayahay aniga warba kama heynin oo maba ogeyn xitaa hader ma ogi meesha uu joogo.”

“Balse waxaan maqlay in uu yiri ama codsaday in isaga laga warsugo inta uu ka xaqiijinaayo wax walbo marka aan ku tixgalino hadalkiisa oo aan sugno dhanka kale wax walbo oo ay ahaadanba waxaan u rajeynayaa caafimad qab deg deg ah.”