Atiriishada caanka ah Deepika Padukone ayaa lagu eedeyay inee daroogo isticmaasho sikastee ahaataba cadeyn kama dambeys ah wali lama helin balse si weyn ayaa sheekadan loo faafiyay saacadihii udambeyeen.

Qoloda qaabilsan baarista daroogada ayaa si weyn Bollywoodka ugu dhex baarayaan kiisas daroogo arinkaan ayaana bilaawday kadib markii la ogaaday in Sushant Singh Rajput iyo Rhea Chakraborty inee daroogo isticmaali jireen.

Kadib Rhea magacyo caan ah ayaa lagu eedeyay isticmaalka daroogada iyo in wax laga weydiiyo kiiska Sushant sida Rakul Preet Singh, Shraddha Kapoor iyo Sara Ali Khan oo iyagu dhowaa laga yaaba in suaalo la weydiiyo.

Iyadoo sheekada halkaas mareyso waxaa hader lagu dhagan yahay ama baraha bulshada lagu jafayaa atiriishada caanka ah Deepika Padukone taaso la sheegay inee daroogo isticmaasho ama isticmaali jirtay.

Waxaa la helay qoraal ay Deepika ku codsaneyso in daroogo loo keeno waxayna ka dalbaneysa haweyneyda Karishma lagu magacaabo ee iyadu ka ganacsan jirtay daroogada hadaba Deepika ayaa looga shakiyay inee daroogo isticmaasho qoraalkana waxuu ahaa 2017.

Waxaa macquul ah Deepika in loo yeero si suaalo looga weydiiyo arinkaas intaas marka laga soo tago waxaa jiro muuqaal 2019 la faafiyay oo xidigo caan ah kasoo muuqdeen sida Karan Johar, Ranbir, Deepika, Varun Dhawan, Malaika Arora, Arjun Kapoor iyo Vicky Kaushal kuwaaso guriga Karan xaflad kajirtay lagu sheegay inee daroogo kudhex isticmaaleen.

Bollywoodka oo ceeb weyn dhexda kaga jiro iyo kiisaska daroogada oo soo badanayaan bal aan sugno shaqsiyaadka la eedeyay hadii cadeyn lagu heli doono iyo hadii kale inta badana dad mucaarad iyo naceeb uqabaan jilayaasha ayaa wararka faafiyaan iyagoo ka faaideysanayaan xaalada waqtigaan Bollywood kudhex jiro.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here