Gabadha filim soo saaraha ah ee Priyanka Dutta ayaa dhib badan ka martay inay isu keento labada jilaa ee ugu awoodda badan koonfurta iyo waqooyiga India marka loo fiiriyo jinsigooda.

Prabhas ayaa xilligan ah atooraha ugu awoodda badan koonfurta Inida, halka Deepika Padukone ay tahay atariishada ugu awoodda badan jihada kale.

Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegay in Deepika ay markii hore si adag isaga diidday inay filimkan saxiixato, balse shirkadda filimkan iska leh oo ay ka go’neyd inay labadan xiddig filim wada sameeyaan ayaa atariishadan hor dhigay dalab aysan diidi karin.

Waxaa lagu soo warramayaa in Deepika ay dhowaanahan dalbaneysay lacag la eg midda uu qaadanayo atooraha filimka hoggaaminaya, waxaana ay aaminsan tahay inay xaq u leedahay in lala simo atooraha maadaama iyadaba ay darajadan xirfaddeeda kusoo gaartay.

Inkastoo aanan la siin karin lacagta horumariska uu u qaatay Prabhas oo ah 50 crore, haddana xiddigta u dhaxda Ranveer Singh ayaa filimkan ku qaadaneysa 20 crore.

Deepika ayaa sidaas ku noqotay atariishadii qiimaha ugu badnaa abid filim ku sameysa taariikhda fanka India kaddib markii ay aqbashay inay 20 crore ku qaadato sameynta filimka ay shaashadda la wadaageyso Prabhas.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa xusid mudan in filimkan aysan ku jirin waxyaabo ku adag iyada jilliin ahaan, balse waxay lacagtan xooggan ku qaadaneysaa maqaamka xiddignimo, maadaama hadda lagu tilmaamo atariishada ugu awoodda badan Bollywood-ka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here