Rebel Star Prabhas waxaa u diyaarsan filimka Jaan loogu yeero oo ah mashruuciisa 20-aad waxaana la jileyso Pooja Hedge waxaana duubistiisa wax yar ayadoo qorshaha yahay in lasoo gaba gabeeyo shaqadiisa marka xaalada caadi kusoo laabato kadibna dabyaaqada sanadkan tiyaatarada la saaro waxaana mashruucan Director ka ah Radha Krishna Kuma.

Haatan waxaa socoto qaban qaabada ku aadan Prabhas filimkiisa 21-aad waa mashruuc weyn oo Naga Ashwin Director ka yahay laguna daawan doono in ka badan 5-luqadood ayadoo si caalami ah loo sameyn doono madaama miisaaniyad 450 Crore ka badan uu xambaarsan yahay sidoo kalena Prabhas uu doonayo markale inuu Hindiya oo idil ku qabsado.

Sheeko xiiso leh ayaa mashruucan laga soo daabacay kuna aaday in atirishada Bollywood-ka ka tirsan ee awooda badan Deepika Padukone aqbalay inay hogaamiyaasha filimkan ka mid noqoto kadib markii filim sameeye Naga Ashwin la wadaagay doorkeeda filimkan siweyn ayayna kaga heshay.

Deepika Padukone ayaa baraha bulshada ku amaantay filimka Classic ah Mahanati ee Director Naga Ashwin sameeyay waxayna sheegtay in filimkan qof walbo inuu daawado laga rabo iyadana Naga la shaqeyntiisa xiiseeneyso waxaana loo fahmay si dad ban inay banaanka usoo dhigeyso sida qarsoodida ah oo ay ku aqbashay Prabhas filimkiisa 21-aad atirisho kowaad ka noqoto.

Waxaa la wada sugaa marka xaalada caadi kusoo laabato kadibna tiyaatarada dib loo furo in lagu dhawaaqo Prabhas filimkiisa 21-aad Deepika atirisho kowaad ka tahay iyo sidoo kale jilaayaasha kale doorarka muhiimka ah filimkan ku yeelan doonaan oo la rajeenayo dabyaaqada sanadkan duubis lagu bilaabo si sanadka dambe lixdiisa bilood dambe loo daawado.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here