Xidigta laga dambeeyo Deepika Padukone ayaa soo xaadirtay goobta duubista filimka Pathan ka socoto ayadoo todobaadyo ka hor Bollywood King Khan Aka Shah Rukh Khan mashruucan shaqadiisa ka bilaabay magaalada Mumbai waxaana Director ka ah Siddharth Anand oo filimkii War sanadkii hore sameeyay kaasi oo Blockbuster taariikhi ah noqday.

Filimka Pathan waa Action iyo fariinta arimaha sirdoonka waxaana laadar ka ah John Abraham oo duubista filimkan bisha Febraayo ee sanadka dambe soo xaadiri doono waxaana maal galineyso shirkada fanka Hindiya ugu awooda badan Yash Raj Films (YRF) oo mashruucan lacago fara badan galisay lana daawan doono Diwali 2021.

Deepika haatan waxaa la sheegay in labadii maalmood ugu dambeesay duubista filimka Pathan qayb ka ahayd waxayna ku mataleysaa door sirdoon ah ayadoo ficilo halis ah iyo Action-mo soo jiidasho badan shaashada kusoo bandhigi doono balse bartamaha bisha December ayay si toos ah shaqada filimkan u amba qaadi doontaa madaama haatan Deepika filimkan iyo Director Shakun Batra filimkiisa isku garab wado shaqo ahaan.

Deepika, SRK iyo John waxay mashquulka ugu badan dhexda ka gali doonaan laga bilaabo Janaayo ilaa June 2021 waa lix bilood oo ay muuqaalada ugu badan isla duubi doonaan wuxuuna Director Siddharth Anand ku kalsoon yahay mashruucan sida caalamiga ah loo duubayo in Hindiya iyo daafaha caalamka qabsan doono madaama la qorsheenayo in Diwali 2021 la daawado ama dabyaaqada sanadka dambe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here