Deepika Padukone “Ranveer Singh Waa Qofka Ugu Shumiska Macaan Marka Shaqada Lagu Guda Jiro”

Deepika Padukone iyo Ranveer Singh jaceylka ka dhaxeya ma ahan mid qarsoodi ah oo xidigahan had iyo jeer waa kuwa muujiyan jaceylkooda xitaa hadee meel bulsha ah joogan.

Deepika ayaa ka dhawaajisay Ranveer Singh inuu yahay qofka ugu shumiska macaan marka shaqada aflaamta lagu guda jiro sido kalena xidigahan dhowr jeer ayaan aragnay ayagoo aflaam shumis dareen kudhehan wadaagayan.

Deepika xili ay ka qeyb qaadaneysay showga Neha Dhupia daadihiso ee Tv-yada laga daawado kaasona lagu magacaabo BFFs with Vogue ayee arinkaan ka dhawaajisay xidigtaan.

Waxay tiri iyadoo hadleysa,” Marka shaqada la joogo Ranveer Singh waa atooraha ugu shumis macaan ani ahaan marka fikirkeyga dhiibto.”

Dabcan Deepika Jaceylka ay u qabto xidigaan qof walba isaga ayaa kala wanaagsan waana sababta ay sidaa u leedahay xidigtaan.

Dhanka shaqada xidigahan 25 bishaan waxaa tiyaatarada loo saari doona filmkooda Padmaavat ee muranka weyn xambaarsan waxaaana filmkaan door muhiim ah kuleh atooraha Shahid Kapoor.