Labada lamaane ee ugu awooda badan Bollywoodka, Ranveer Singh iyo Deepika Padukone ayaa hadda waxa ay noqdayn kuwa markasta jaceylkooda ku muujiyaan goobaha xafladaha

iyadoo Deepika ay dhawaan waqti badan ku qaadatay baraha bulshada iyadoona waqti siisay qaar ka mid taageerayaasheeda barta Instagram waxaana lagu weydiiyay su’aalo badan oo kaga timid asxaabta ku xiran bartaas

waxaana atariishadan la weydiiyay inay sheegto jilaa aan ahayn ninkeeda Ranveer kaaso ay guursan lahayd aan ahayn ninkeeda

laakiin atariishada markiiba si caqliyeesan kaga jawaabtay su’aashan iyadoona tiri Ranveer waxa uu qabaa cudurka dhiig karka ah.

waxaana ay soo qortay Ranveer wuxuu qabaa ” Hypersomnia ama dhiig kar ‘kaaso isaga xaaladiisa ku dagi karo markii uu seexdo 12 ilaa 15 saacadood  waana xeelada atariishadan kaga baxsatay xujadan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here