Deepika Padukone Waxyaabihii Ay Padmaavat Ku Dhex Jileysay Sheey Kamid Ah Ayee Bhansali Ka Codsatay Wuuna Siiyay Balse Maxay Yihiin?

Deepika Padukone hader waxaa loogu yeera Padmavati of Bollywood ama Rani of Bollywood oo micnaheeda ah boqorada Bollywoodka kadib markee sameysay doorka weyn ee Padmaavat.

Deepika filmkaan waxuu u noqday mid qaas ah maadama doorkeda ugu weyn abid ay filmaan kujishay iyadoo waliba ka dhaxashay Hit-keda ugu weyn inuu noqdo mashruucan.

Waxay la hadleysay shabakada Daily ayadoo u shaacisay waxyaabo filmka Padmaavat quseyaan, waxay tiri,”Padmaavat waa film ii qaas ah oo aan abid ku faani doono.”’

“Intii aan ku guda jiray duubista filmkaan waxaan la dhacay oo aan ka helay dharka boqortooyada aan watay ama aan xirnaa ( waa dhar isku joog ah oo Saari ah looguna talo galay gabdhaha boqortooyada inee xirtaan) waxaan weydiistay Mudane Sanjay Leela Bhansali inuu isiiyo dharkaas markaan duubista filmka dhameeno.”

“Maadama aan jeclaaday dharkaas qaasatan waa dharkii aan qabay muuqaalka Jauhar markaan duubayey waana dhar igu qaali ah ayadoo xasuus ii ahaan doonan.”