Home » Nolosha Jilaayaasha » Deepika Padukone “ Xiriirka Ayaan U Jaraa Wiilasha Kuwa I Xumeeyan Misane Khalad Iga Galaan”

Deepika Padukone “ Xiriirka Ayaan U Jaraa Wiilasha Kuwa I Xumeeyan Misane Khalad Iga Galaan”

Atirishada Deepika Padukone ayaa ka hadashay in badan oo nolosheda ku saabsan intii ay ku guda jirtay wareysiga showga weyn ee Vogue BFFs oo ay daadihiya ka tahay Neha Dhupia.

Deepika ayaa xiriir jaceyl lasoo yeelatay atooraha Ranbir Kapoor balse xidigtaan wu xumeyay oo Katrina Kaif ayuu ka raacay haatan Deepu waxay xirir jaceyl la leedahay atooraha Ranveer Singh.

Deepika ayaa sheegtay in ay iska ilaawdo had iyo jeer wiilka xumeya ama khaladka ka gala ayadoo dib dambe u raadinin xitaa xirir dambe la sameynin.

Xidigtaan ayaa sheegtay in aysan wiil walbo xiriir la yeelanin noloshedi balse ay marwalba soo dhaweyn jirtay qof wanaagsan hase ahaate marka uu qofkaas dhaawac u geysto nolosheda dambe qofkaas ma raadiso ayadoo xiriirka u jarto maadama qofkaas qalbiga ka jabiyay, si guud ahaan aye wiilasha oga hadashay ayadoo qof gaar ah aanan magacaabin.