Sanadkii hore Bollywoodka waxaa laga guursaday atiriishooyin caan ah aroosyo caan noqdeena waa la dhigay iyo xaflado dabaal dagyo ah sido kale atoorayaal caan ahna wey guursadeen.

Xidigaha caanka ah ee aqal galeen sanadkii hore waxaa kamid ah Sonam Kapoor-Anand Ahuja, Neha Dhupia-Angad Bedi, Deepika Padukone-Ranveer Singh, Priyanka Chopra-Nick Jonas, Kapil Sharma-Ginni Chatrath.

Xidigahan iyo kuwa kale ayaa 2018 aqal galeen si weyn ayaana loo hadal hayey arooskooda sido kale sanadkaan waxaa guursatay atiriishada caanka ah Pooja Batra oo la aqal gashay Nawab Shah mudo ayeena iskaabulo ahed atiriishadan.

Hadaba waxaa soodhow maalinti gabdhaha hinduuga ah cimri dheeri sanamka oga tuugaan nimanka ay la nool yihiin ee seygooda ah waxayna maalintan ku beegantahay 17 bishaan October waxaana loo yaqaana maalinta noocaan ah Karwa Chauth.

Waa maalin dumarka xaasaska hinduga ah dhamaantooda cimri dheeri iyo caafimaad u baryaan Raggooda ayagoo ka go’aan cunitaan iyo cabitaanka maalintaas oodhan ilaa qoraxdo ka dhacdo bisha ama dayaxana kasoo baxo waana dhaqan hinduu ah.

Soonkan ajar la’aanta ah ee dhaqan jaahiliga ah waxaa isku diyaarinayaan inee soomaan atiriishooyinka aan magacyadooda kor kusoo xusnay iyo kuwa kaleba sida Deepika, Priyanka xitaa Anushka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here