Superstar Akshay Kumar ayaa qaaday talaabo Hindiya oo dhan farxad galisay kadib markii lacago gaarayo 25 Crore ($3.35m) ugu deeqay gudiga Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi u sameeyay inay la dagaalamaan caabuqa halista badan Coronavirus oo Hindiya dhibaato daran ku haayo.

Kumar ayaa sheegay inay waajib ku tahay garab istaagida shacabkiisa iyo dowlada Hindiya wuxuuna qof walbo ugu baaqay inuu kaalintiisa qaato oo dowlada la garab istaago madaama waqti adag dalka Hindiya ku jiro madaama ay dhexda kaga jiraan mudo 21-maalmood ah oo aan guryaha laga soo bixi karin dad badana noloshooda maalinlaha dabari jireen meesha ka baxday si loo caawiyo ayuu Kumar lacagtaas u bixiyay.

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya mudane Modi ayaa Akshay Kumar ku tilmaamay geesi ku dayasho mudan oo dalkiisa jecel uguna hambalyeeyay kaalinta weyn ee uu qaatay madaama uu noqday jilaaga lacagaha ugu badan dowlada Hindiya ugu deeqay si loola dagaalmo COVID-19 caabuqa halista badan ee Hindiya dhibaatada ku haayo una diiday dadka inay shaqeestaan.

Sidoo kale Akshay Kumar xaaskiisa Twinkle Khanna ayaa siweyn ugu mahad celisay seygeeda waxayna tiri “Waa nin aan ku faani karo in badan, mar ayaan weydiiyay lacagtaan faraha badan haddii aan ganacsi noo galinaayo ama arimo kale ku qabsaneyno wuxuu i dhahay qorsho uma haayo lacagtaan, balse maanta ayuu qorshe wanaagsan u helay madaama uu dadkiisa iyo dalkiisa ku caawiyay lacagtaan waqtigii ay u baahnaayeen.”

Akshay Kumar oo 52-jir wuxuu dhawaanahan baraha bulshada ka waday wacyi galin ku aadan dadka inay guryahooda joogaan inta xaalada caadi kusoo laabaneyso sidoo kalena taxadir badan sameeyaan haatana shacab weynaha Hindiya oo idil ayuu qalbigooda qabsaday madaama deeq lacagood oo aad u fara badan xiligii loo baahnaa uu bixiyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here