Bollywood Khiladi Kumar ayaa kudhexjira waqtigiisa ugu wacan waayihiisa fanka waxaana hader tiyaatarada usaaran Filimka Houseful 4 oo la filaayo inuu Diwali-gan gil gilo Box-office-ka.

Marka laga soo tago H4 Akki waxuu saxiixday mashaariicda kala ah Good News, Prithviraj, Sooryavanshi, Laxmmi Bomb iyo Bachchan Panday intaas Filim qaanada ayee ugu jiraan hubaal ahaana waa xidiga ugu guulaha badan Bollywoodka jilaagan.

Warar cusub ayaa soo dhaceen oo sheegayaan in Akshay Kumar kaabo laadar ka noqon doono Filimka Dhoom 4 sids wararka kasoo baxayaan Midday Ay sheegeen ayaa sida tan ah.

“Aditya Chopra (Milkiilaha YRFs) waxuu ka helay sida Akshay Kumar kaabo laadarnimo ugu jilay Filimka 2.0 waxuuna ku fikiray inuu sameen karo doorka burcadka adduunka raadinayaan ee Suave waa doorka laadarka Filimka Dhoom 4.”

“Akki ayaa loo bandhigay doorkaan waliba sheekada waa loo akhriyay qeybts hore wuuna aqbalay waxuuna Aditya ku dhawaaqi doonaa arinkaan dhamaadka sanadkaan 2019” warkaan ayaa laga soo xigtay xafiiska Aditya kahor inta uusan ku dhawaaqin ayaaba looga soo hormaray.

Waa macquul inuu been noqdo waxayse u badan tahay inuu run noqdo doorka laadarnimo ee taxanaha seddexdii qeybood hore waxaa kala jileen John Abraham, Hrithik Roshan iyo Aamir Khan markaana Akshay Kumar ayaa kabahaas loo galiyay aan aragno haduu kaga baxsan karo sida kuwii kaga horeyeen.

Dhanka kale waxaa la sheegay in Abhishek Bachchan iyo Uday Chopra qeybtaan ay macquul tahay ineysan kasoo muuqan halka la qorsheynaayo in quruxleyds Manushi Chhillar lagu soo caan bixiyo mashruucan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here