Madaama lagu guda jiro todobaadka feestada Diwali ee sanad walbo Hinduuga u dabaal dagaan Superstar Akshay Kumar wuxuu si rasmi ah oo lama filaan ah shaaca kaga qaaday inuu sameenayo filim cusub oo lagu magacaabo Ram Setu waana filim fariin qayaali iyo waaqici ah isku jirto loogana hadlaayo dagaalyahan hore oo Hinduu ah.

Kumar taageerayaashiisa wuu ka yaabsaday marka uu Ram Setu ku dhawaaqay waayo cidna ma hadal heynin inuu filimkan sameenayo oo aragtidiisa kowaad ama kaartadiisa xitaa lasoo bandhigay waxaana Director ka ah Abhishek Sharma halka Aruna Bhatia iyo Vikram Malhotra soo sarayaal ka yihiin sidoo kalena weli lama shaacin xiliga rasmiga ah duubistiisa bilaaban doonto ama la daawan doono.

Akshay Kumar wuxuu yiri “Madaama lagu guda jiro feestada Diwali aan idinla wadaago filimkeyga cusub Ram Setu ee aan kaga hadli doono awooda wanaaga ay leedahay si jiilkeena dambe u ogaadaan fariimaha aan ku faani karno iyo dagaalyahanadii hore ee nasoo mareen waxaana ku faraxsanahay inaan mashruucan weyn qayb ka ahay waxaana galin doonaa juhdi iyo waqti badan.”

Akshay Kumar waa mid ciwaano kala duwan sameenayo Isniintii hore waxaa usoo baxay filimka Laxmmi oo barta Disney+Hotstar laga daawaday sidoo kale wuxuu dhawaan soo idleeyay duubista filimka Bell Bottom halka uu haatan duubis ku wado filimka Prithviraj sidoo kalena horaanta sanadka cusub filimka Bachchan Pandey ayuu shaqo ka bilaabi doonaa ilaa Maarso ayuu wadi doonaa si la mid ah wuxuu haatan wadaa shaqada filimka Atrangee ee Dhanush iyo Sara Ali Khan isla jilayaan taasi oo ka dhigeyso in jadwalkiisa buuxo haatana filimkan cusub Ram Setu ayuu si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu hogaamiye ka yahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here