Atiriishada caanka ah Alia Bhatt ayaa la gudoonsiiyay abaal marinta atiriishada ugu wanaagsan ee shirkada Filimfare Awards (Best Actress Award) waana taariikh in xidigtaan markale ku guuleysatay biladaan.

Alia ayaa lagu gudoonsiiyay abaal marintaan Filimkeeda Gully Boy kaaso ay bandhig cajiib ah kusoo bandhigtay waana mashruuc caawa bilado bada ku guuleystay tani waxay ka dhigantahay Alia markii labaad xiriir ah inee abaal marintaan ku guuleysatay.

Alia Bhatt tiro seddex jeer ayee biladaan hanatay taariikh ahaan markii kowaad Udta Punjab ayee ku qaadatay halka markii labaad ay Raazi ku qaadatay caawana Filimka Gully Boy ayee ku qaadatay waxaan sugnaaba waa Best Actor atooraha lasiin doono.

Sido kale waxaa xusid mudan in Director-ka ugu wanaagsan ay ku guuleysatay Zoya Akhtar oo Director ka ah Gully Boy marka caawa Gully Boy abaal marino badan ayuu aruursaday.

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here