Waxaan wada ogeyn in lamaanaha caanka ah Ranbir Kapoor iyo Alia Bhatt arooskooda xiliga uu dhici lahaa la wadwaday mudooyinkan dambe waxaana la sheegay in bisha December guurkooda dhici doono si qaas ah marka tiyaatarada ka saaro Filimkooda Brahmastra ee December la daawan doono.

Qof ka akdhow iyaga ayaa saxaafada la wadaagay in xiligaas is guursan doonaan waliba waxuu qofkaas sheegay qaban qaabada arooska inee xili hore bilaawan doonto balse Alia Bhatt ayaa wax kama jiraan ku tilmaamtay sheekadaas oodhan mar shalay Zoom Tv wareysi ka yeeshteen xidigtaan.

Waxay tiri iyadoo ka hadleysa arinkaa,”waxaan u maleynaa waqtigaan aan halkaan joogno in xan kale baraha bulshada dhex mushaaxeyso oo arooskeyga ku saabsan waa qasab seddex isbuuc kasta in arooskeyga waqti horleh loo qabto qaab xan ahaan waan la qabsaday xantaan isdaba joogta ah marka lama yaabayo in la dhahao arooska Alia waa December oo waanba ku shactireystaa markaa maqlo sheekooyinkaas.”

Ma ahan markii ugu horeysay taariikh loo qabto guurka Ranbir Kapoor iyo Alia Bhatt dhowr jeer ayee dhacday ilaa 2018 ayeena socotay sheekooyinkan xanta ah hader xiliga rasmiga ah arooskooda dhacaayo waxaan ka sugeyna waa iyaga ama waalidkooda uun qof kale lama aamini karo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here