Waxaa si rasmi ah isbitaalka looga soo saaray Aishwarya Rai Bachchan iyo gabadheeda Aaradhya Bachchan oo iyagu ka caafimaadeen caabuqa Coronavirus maadama ay noqdeen Negative baaritaankii u dambeeyay ee lagu sameeyay.

Aish iyo gabadheeda markii laga helay caabuqa waxaa hadana laga waayey calaamadihiisa sidaa aawged waxaa lagu amray inee gurigooda karantiil ku ahaadaan balse seddex maalmood kadib ayee calaamadaha kasoo baxeen sida inee xumad ama qandho qabatay isbitaalka ayaana toos loo soo seexiyay 17-July.

Hadaba mudo 10-maalmood oo ay halkaas ku jiren ugu dambeyn shalay oo isniin ahed ayaa laga soo saaray isbitaalka daawooyinkana sifiican ayee u qaateen weyna ka bogsadeen caabuqa waxaana baraha bulshada ku shaaciyay Abhiishek oo yiri,”Aish iyo Aaradhya wey ka caafimaadeen cudurka waana wax lagu farxo midaasna waa ducadiina.”

“Hader aniga iyo aabo ayaa isbitaalka baaqi kusii ahaaneena oo daawooyinkeena ayaan sii wadanaa halka Aish iyo Aaradhya guriga nabad ku tagayaa iyago caafimaad qabo” dhanka kale Amitabh ayaa isagana sheegay inuu ilmeeyay ama ooyay markuu maqlay in gabadhuu sodoga u ahaa iyo miduu awoowga u ahaaba ay ka caafimaadeen caabuqa halista ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here