Neef weyn ayaa kasoo fuqday malaayiin taageero ah oo kuxiran ama si weyn u sugayaan taxanaha Krrish qeybtiisa 4-aad warkaan caawa soo baxayna waa mid farxad galinaayo qof walba oo sugaayey Filimkaan.

Todobaad kahor waxaa la baahiyay warar sheegaya in Rakesh Roshan (Hrithik Aabihiis) inusan sameeyn doonin ama Director ka noqon doonin Krrish 4 qeybihii hore oo dhana isaga ayaa Director ka noqday taariikhdii la ogaa ayeena dhigee.

Qoyskan Filimada culuumta Sayniska ka hadlayaan Bollywoodka iyaga u bilaawen sidaa aawged Rakesh qof kaga wanaagsan sameeynta majiro waxaana la sheegay inuu Kansar qabo sidaa aawgedna uu Director Sanjay Gupta ku wareejiyay sameeynta Filimkaan.

Wararka kasoo baxaya hader Filimfare shabakada ladhaho waxay sheegayaan in Rakesh warkaas wzx kama jiraan ku tilmaamay isagana uu sameeyn doono Filimkaan maadama caafimaad ahaan uu soo kabanaayo marka majiro warka ah Sanjay Gupta ayaa Director ka noqonaayo ee Rakesh Roshan ayaa Director ka noqon doono.

Mashruucan sanadka dambe la daawan doono waxaa la sheegay in ku bixi doono qarash dhan 250 ilaa 300 Crore inta u dhaxeys aalada VFX ayaana la isticmaali doona wakiba hab casri caalami ahna waa loo duubi doonaa..

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here