Inaba caadi ma ahan kaartada kowaad ee laga soo bandhigay Filimka Houseful 4 Bollywood Khiladi Kumar ayee u gaar tahay aragtidan iyo labadiisa door ee uu filimkaan ku jili doono waana kaarto ama sawir shactiro ka muuqata daqiiqado kahor ayaana lasoo bandhigay.

Kooxda filimkaan waxay balan qaadeen in Houseful 4 ka shactiro badnaan doono seddexdii qeybood ee hore oo la isku daray Kriti Sanon ayaana shalah baraha bulshada ku sheegtay in maanta dhamaan aragtiyada jilayaasha lasoo bandhigi doono.

Akshay Kumar aragtidiisa kowaad ee laga soo bandhigay 2 door ayaa ka muuqata mid waa Bala oo 600 sano kahor jiray ama 1419-kii noolaa doorkiisa labaadna waa Harry oo jiro waqtigaan la joogo ama 2019.

Hadaba sheekadan waxay ku xeen daabnaan doontaa 600 sano kahor maxaa dhacay kadibna maxaa dhici doono kaartada waxaa ka muuqata in Bala oo 600 sano kahor jiray la dagaalayo Harry oo ninka waaqicigan jiro ah iga hor leexo wadada ii banee oo kale ayuu leeyahay Bala kkkkk.

Bal aan aragno maxaa kala qabsan doono Akshay Kumar labadiisa door ee uu filimka ku jili doono wali yaa is gaaray xidigo kale ayaa dhiman sida Bobby Deol, Kriti Sanon, Riteish Deshmukh, Pooja Hegde iyo kuwa kale oo aragtidooda maanta lasoo bandhigaayo.

Houseful 4 waa taxano soo jireen ahaa seddex qeybood hore looga sameeyay waxaana maalgalinaayo Sajid Nadiadwala halka 27 bishaan la daawan doono goos gooska dhameestiran mashruucan Diwali-gana si toos ah ayaa tiyaatarada looga daawan doonaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here