Waxaa si rasmi ah loogu dhawaaqay furiinka jilaaga caanka ah Arjun Rampal uu furay xaaskiisa kowaad ee Mehr Jesia kadib mudo 21 sano ah oo ay waqti soo wada qaateen hader waa lamaane is fureen ajinabi na kala ah maanta wixii ka dambeya.

Xiisada furiinkooda wuxuu soo bilawday 2011 intaas waa la iska soo daba jiitamaayey ugu dambeyn 30 April ama 6 bil kahor ayee warqadahooda maxkamada u gudbiyeen si ay isku furaan noloshana isugu firaaqeyaan maxkamada ayaa u sugtay in mudo ah bal inee go’aankooda ka laabtaan oo ay heshiyaan laakiin ma dhicin 6 bilood oo File-kooda maxkamada yaalay kadib shalay ayaa lagu dhawaaqay inee si rasmi ah ukala tageen waqtigaan wixii ka dambeya.

Arjun ayaa saxaafada wax ka weydiisay furiinkiisa wuuna diiday inuu ka hadlo lama oga sababta rasmiga ah ee ay lamaanahan ku kala tageen balse waxay sheegen sida tan,”mudo 21 sano ayaa wada nooleen oo aan noloshan safarka ah iska soo wehelinay.”

“Ugu dambeyn waxaan go”aansanay inaan nolosha isku firaaqeyno oo qof walba noloshiisa gaarka ah sii wato balse xiriirkeena saaxiibtinimo waa sidiisa kaliya sharci ahaan ayaa ukala tageena oo nin iyo xaaskiisa heer ah ayaan ka tageena waxaana dib ugu noqoneyna heerkii ahaa labo qof walaalo ah ama saaxiibo ah.”

Arjun gabdhihiisa waxay la joogayaan hooyadood iyadaa korineyso guri weyn oo Mumbai kuyaalo ayuu siiyay meesha ayuuna ku biilayaa bil walba dhanka kale xidigaan waxuu la nool yahay saaxiibtiisa kale ee South Africa kasoo jeeda Gabriella Demetriades.

Lamaanahan cunug ayaa udhashtay oo loogu magac daray Arik si farxad leh ayee u nool yihiin hader halka Mehr dadka ishooda iska qarisay oo aan fagaaraha lagu arkin inta badan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here