DEG-DEG; Atariishada Bollywoodka Disha Patani aabaheed oo laga helay Corona-Virus.

0
276

India ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay kaalmaha hore kasoo gashay dalalka uu sida xowliga ugu fidaayo Viruska dunida dhan saameeyay ee Covid19 kaasoo dhawaan haleelay qaar kamid ah xidigaha ugu caansan Bollywoodka.

Amitabh Bachchan, Abhishek Bachchan iyo Aishwarya Rai Bachchan ayuu bishii hore haleelay inkastoo ay ka kaceen kana caafimaadeen haatana wuxuu cudurka haleelay mid kamid ah atariishooyinka ugu caansan Bollywoodka aabaheed.

Disha Patani aabaheed Jagdish Singh Patani kaasoo ah sargaal katirsan dowlada India ayaa haatan lagu soo waramayaa inuu haleelay Viruskaan waxayna atariishadaan mareysaa marxalad adag iyada iyo qoyskeeda.

Atariishada Baaghi 2 aabaheed ayaa Vuruskaan laga helay maalinimadii shalay aheyd waxaana xusid mudan in tirada kiisaska India ay haatan mareyso ku dhawaad 2 Million halka ayna u geeriyoodeen tiro ku dhaw 40 kun oo qof.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here