War goordhow soo dhacay ayaa sheegaya in atiirishada caanka ah Sonakshi Sinha ay gabi ahaanba ka fariisan doonto shaqada Bollywood kuna mashquuleyso nolosheeda gaarka ah iyo guurkeeda ama wey guursaneysa goordhow.

Go’aankan ayaa soo baxay goordhow xili buuqa hindiya sii weynaanayo dhimasha Sushant Singh kadib balse Sonakshi inee guursato kaliya miyee Bollywoodka oga tageysa mise arinkale ayaa jirto aan isla ogaano.

Shatrughan Sinha (Canjex) gabadhiisa Sonakshi Sinha waxaa Bollywood keenay Megastar Salman Khan kuna soo caan bixiyay Filimkii Dabangg (2010) markii ugu horeysay Sallu waxuu gabadhaan kula kulmay xaflad Fashion xiligaas ayuuna go’aansaday inee atiriisho ka noqoto filimkiisa balse Sonakshi damac Bollywood kuna jirin oo waxay iska ahed gabar baraneysa habka Fashion-ka iyo labiska loo naqshadeeyo hadalkii Salman ayaa damac galiyay waxayna iska dhaadhicisay inee noqon karto atiriisho weyn maqaam sarena gaari karto.

Nasiib wanaag filimkeeda kowaad box-office-ka ayuu gil gilay markaas ayee macaansataya guusha atiriisho nimo balse filimadeedi xiga hammigii ay ka lahed ma aysan gaarin badankoodna Box-office-ka wey ku fashilmeen marka laga reebo taxanaha Dabangh aflaamta Sonakshi niyada ka dileen waxaa kamid ah Akira, Action Jackson, Noor, Tevar, Bullet Raja iyo kuwa kale heer la dhaho Sonakshi waa Zero calankeedana waa dhacay.

Sida guud xidigtaan waligeed waxaa la dhihi jiray qaab jiliin meesha kuma heyso ee taxanaha Dabangg ayee kasoo muuqata kaliya mida kalena marwalba waxaa lagu Troll gareya hab u hadalka fiican oo aysan aqoonin markee fagaaraha joogto fariimaha xun ay dooran jirtay.

Dhowaan geerida Sushant kadib shacab weynaha hindiya ayaa isla kaceen waxayna colaadiyeen jilaa walba oo qoyskiisa asal ahaan Bollywood kasoo jeeda is qaraabeysina meesha ku yimid Sonakshi oo jilayaashas kamid ahed aad ayaa loogu kacay ilaa ay oa guurtay Twitter-ka misane iska xirtay hadaba Sonakshi guuldaradeeda BOI oo badatay aawged waxay heysatay dhowr mashaariic kaliya iyagiina hader gacan kuna heyso Sushant Singh dartiis.

Waxaa la sheegay Filimsameyaasha iyo qarash gareyaalka badankood inee inta badan yareyn doonaan la shaqeynta jilayaalka Bollywoodka qoys kuleh ama dad Bollywood caan ka ah ay dhaleen sababto ah aflaam walbo oo ay sameyaan jilayaasha noocaas ah dad weynaha tiyaatarka ma aadayaan mana daawanayaan badankood waayo xasarad weyn ayaa jirto waqtigaan.

Xidigtaan markee aragtay naceebka loo muujiyay iyo nashaariicda lagala laabtay xasarada jirta aawged waxay go’aansataya inee Bollywood isaga tagto sidii ay Twitter isaga tagtay oo kale ayadoo nolosheeda gaarka ah dhisaneyso wararkana waxay sheegen inee guursaneyso saaxiibked Zaheer Iqbal ee ay xiriirka lahaayen mudo sanad ah kaaso asna Twitterka iska xiray si uu ugarab istaago Saaxiibtiis.

Markii horeba qaab jiliinkeeda ayaa laga deyriyay hadana xaalkeeda Box-office wuu iska xumaa hadana waxaa loogu daray naceeb iyo is qaraabeysi joogto lala dabo kacay waana sababta ay oga tageyso Bollywood una guursaneyso nolosheeda gaarka ahna ugu mashquuleyso warkaan rasmi kama dambeys ah ma ahan balse dad ka akdhow xidigtaan ayaa laga doo xigtay.

Sonakshi sida kudhacday iyo go’aanka ay qaadatay malaga yaaba jilayaal kale inee go’aankaas qaataan oo iyada xaalkeeda oo kale ku sugan waxaase la hubaa atoore ama atiriisho Bollywood qoys kuleh hadii ay filim la imaadaan ine adkaaneyso siduu ku guuleysto waayo dadka badankiisa ma daawanayaan xiligaan.

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here