Jilaaga lagu magacaabo Sameer Sharma ee hindiya u dhashtay ayaa meedkiisa laga helay gurigiisa xalay waxuu ahaa atoore sameeya musalsalada hindiya ee Tv-yada laga daawado haderna waxaa kiiskan loo diiwaan galiyay inuu atoorahan qaab shil ah ku geeriyooday.

Sameer ayaa laga helay meedkiisa isagoo ka raa raco xarig dhanka kushiinka ama jikada cunada lagu karsado xalay ayeena arkeen shaqaalihiisa dadka deriska iyo booliska ayeena deg deg ku ogeysiiyeen atoorahan ayaa degenaa deegaanka Malad ee dhanka galbeed.

Booliska Malad waxay diiwaan geliyeen inuu qaab shil ah ku geeriyoodey ee uusan is dilin maadama labo maalin kahor inee nafta ka baxday ay sheegen warkaan rasmi ma ahan waa sida booliska u maleyaan balse xaqiiqada rasmiga ah gadaal ayee kasoo bixi doontaa.

Arinka xiisaha leh ayaa ah in xitaa hadii la dhaho wuu is dilay gurigiisa markii la baaray wax warqad uu reebay malahan sida Sushant Singh Rajput oo kale waana lala yaabanyahay sikastee ahaataba meedkiisa ayaa qeybta baarista loo diray waxii kasoo baxa ayaana la sugayaa dhanka kale atoorahan waxuu kamid ahaa kuwa ugu caansan Tv-yada.

Musalsalkiisa ugu caansan waa Yeh Rishtey Hain Pyaar Ke oo uu kujilay door aabo ah taxanayaashiisa kale waxaa kamid ah ee uu kasoo muuqday sida Kahaani Ghar Ghar Ki, Jyoti iyo kuwa kale da’diisa waa 44-jir nolosha iyo shaqadiisana rajo weyn kalahaa sida ay sheegen dadkii ka akdhowaayen wixii war kasoo kordha kiiska atoorahan indhaha ayaa lagu wada hayaa.

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here