Chiranjeevi Sarja waxuu kamid ahaa xidigaha ugu caansan koonfur India ee shaashada kasoo muuqan jireen geeridiisa ayaana maalmahan si weyn loo hadal hayaa maadama ay isku magac yihiin Megastar-ka weyn ee Chiranjeevi misane ah aabaha dhalay Ram Charan dad badan ayaana isaga u maleyeen.

Balse sidaas ma ahan Chiranjeevi Sarja waa jilaa kale oo reer Kannada ah todobaadkii aan soo dhaafnay ayuu geeriyooday wadna xanuun kusoo booday aawgii isagoo 39-jir ah ayuuna dunida ka tagay.

2009 ayuu fanka soo galah mudada 11-sano uu atooraha ahaa waxuu sameeyay 22-Filim magac ayuu kasbaday xidigaan balse xili hore ayuu dunida macsalaameeyay ilaa hadana lama oga sababta wadna xanuunkiisa ka dambeysa.

Hader waxaa la baarayaa inuu qamriga cabi jiray taasina sababtay dhanka kale xaaskiisa Meghana Raj ayaa hader la isla dhexmaraa inee uur lahed markuu seygeeda geeriyoonaayey arinkaas ayaa hader aad la iska dhexnarayaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here