Waxaa si rasmi ah duubis loogu bilaaway filimka weyn ee Ponniyin Selvan oo uu Director ka yahay Mani Ratnam waana filimsameye caan ka ah koonfur India waxuuna la imaan doonaa 2020 mashruucan weyn oo qarash waali ah ku bixi doono xidigo waaweyna la isugu keenayo.

Filimka waxaa wada jilayaan Chiyaan Vikram, Jayam Ravi, Karthi, Aishwarya Rai, Trisha iyo kuwa kale waa filim weyn oo ka hadleyso sheeko uu qoray qoraaga weyn ee Kalki Krishnamurthy waana sheeko taariikhi ah iyo boqortooyo taariikhi ah.

Chiyaan Vikram, Aishwarya Rai Bachchan and Karthi's Ponniyin Selvan goes on floors in Thailand - deets inside

Dalka Thailand ayee duubistiisa si rasmi ah kaga bilaawatay ilaa afartan maalmood ayaana jadwalka kowaad halkaas lagu soo duubi doonaa Jayam Ravi iyo xidigaha kale xili hore ayee bilaawen duubista halka Chiyaan Vikram iyo Aishwarya dhowaan kusoo biirayaan ilaa dhamaadka December ayee Thailand iska xaadirin doonan.

Qarash badan ayaa ku bixi doono lamana oga ilaa hada cadadka balse aaladaha VFX oo la adeegsanaayo ma ahan qarash yar waxaana la saadaalin inuu noqon doono mid kamid ah aflaamta ugu weyn koonfurta dhamaadka 2020 ayaana la daawan doonaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here