Dad ku nool gobolka Bihar ee dalka India ayaa dacwad kasoo gudbiyeen shaqsiyaad caan ah oo ay kamid yihiin Salman, Karan iyo kale sababtana waxay tahay is dilka Sushant Singh Rajput iyagaa ka masuul ah ayaa la leeyahay.

Sudhir Kumar nin lagu magacaabo iyo koox badan uu hogaamiyo ayaa maxkamad u taalo Bihar dacwadooda geeysteen  dhowr File waliba waxaana hader bilaawan doonto in si hagar la’aan ah dacwadan loo dhaba gali doono.

Sudhir oo nuxurka dacwadiisa ka hadlaayo waxuu yiri,”waxaan dacwo ka gudbinay 8-qof oo kamid ah shaqsiyaadka ugu caansan Bollywoodka oo ay kamid yihiin Karan Johar, Salman Khan,Sanjay Leela Bhansali, Ekta Kapoor iyo kuwa kale.”

“Sababto ah waxay sabab u ahaayen is dilka Sushant waayo 7-Filim ayaa laga saaray Sushant Singh oo uu hogaamiye ka ahaa bishii janaayo ilaa hada ayuuna filimadaas waayey sido kale dhowr filim uu duubay ilaa hadana aan la daawan ayaa jiraan sababtaas ayuuna isku  murjiyay ugu dambeyna isku dilay.”

Ninkaan ayaa hadalkiisa sidaas kusoo gaba gabeeyay hader shaqsiyaadka lasoo dacweeyay waxaa laga rabaa sababte sidaa u sameyeen mid walbana maxkamada ayaa looga yeeri doonaa wixii kasoo kordha aan wada sugno.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here