Yaa islahaa cunugtii kusoo caan baxday Filimkii Om Shanti Om ee 2007 la daawaday ayaa noqon doonto atiriishada maanta ugu maqaamka sareysa Bollywoodka inta shaqeysa waqtigaan ama ugu awooda badan mudo 12 sano ah oo ay kujirto shirkadaan waxay ku noqotay atiriisho heer sare gaartay.

Kuwa iyada ka horeyeen ayee soo dhaaftau xili hore maantana waa haweenka dunida loogu doonis badan yahay mid kamid ah aflaamteeda guulaha waaweyn gaareen waxaa kamid ah Om Shanti Om, Chennai Express, Yeh Jawaani Hai Deewani, Padmaavat iyo kuwa kale badan.

Hadaba xidigtaan ayaa u dabaal dageysa 40 Million oo taageero ah ay ku yeelatay barteeda Instagram-ka waana guul weyn oo usoo hoyotay iyada iyo taageerayaasheeda dhamaan.

Xidigtaan ayaa u mahad celisay asaxaabteda baraha bulshada si qaas ah reer Instagram waxayna tiri iyadoo Video soo dhigtay sida tan,”hadiiba aan maanta Deepika ahay aqoonsina helay waa idinka dartiina midaas, waad ku mahadsantihiin sida aad iigu caawiseen maqaamkan iyo inaa maanta helo 40 Million taageero ah Instagram-ka kaliya.”

Xidigtaan qaab jiliinkeeda kaliya laguma jeclaanin sido kale waa qof dadka la falgasha, fsshion-ka ku fiican, hab dhaqan wanaagsan leh iyo siyaabo kale oo Deepuu lagu jeclaaday Filimside ahaan hambalyo ayaan leenahay Deepika iyo taageerayaasheeda….

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here