Deepika Padukone iyo Alia Bhatt waxay noqdeen hader atiriishooyin saaxiibo ah aadna isugu kalsoon wax badan ayaa xan laga qori jiray in Ranbir Kapoor dartiis cuqdad isugu qaadeen laakiin xaqiiqada waxay tahay inee dadka iska jecel yihiin waqtigaan la joogo.

Deepika ayaa si lama filaan ah shaaca oga qaaday in Alia Bhatt dhowaan la guursan doono waxaana wada ognahay in la wad wado xan ah guurka Ranbir Kapoor iyo Alia Bhatt inuu sanadkaan dhamaadkiisa ama 2020 bilawgeeda dhici doono.

Waxay ahed xili Deepika, Alia, Vijay Deverakonda iyo jilayaal kale hal wareysi laga wada qaadayey waxaana meesha ka dhacay kaftan badan arinta xasaasiga ah ayaa ah in Deepika ku dhawaaqday guurka Alia Bhatt sheekadana sida tan ayee ku timid.

Vijay ayaa suaal la weydiiyay waxaa la dhahay jilaa fanka hindiya katirsan oo aad tallo shaqada jiliinka ku saabsan weydiisan laheed magacaaw sidaa ayaa la dhahay waxuu dhahay,”kahor inta aan magacaawin rabitaankeyga ka hadlayaa.”

“Waxaan jeclaan lahaa inaan la haasaawo waqti dheer labadan hablood” isagoo farta ku fiiqaayo Deepika iyo Alia oo meesha fadhiyeen waxuu yiri isagoo hadalka sii wata,”laakiin Deepika waa la iga hor guursaday.”

“Hadalka intuusan dhameestirin waxaa soo boday Deepika oo tiri,” Alia Bhatt xitaa mardhow waa la guursan rabaa” waxuu yiri,”haa waa runtaa Alia xitaa waa la iga guursan rabaa maxaa sameyaa hee.”

Kadib wixii meesha joogay Ragg iyo Dumar waa lawada qoslay Alia Bhatt ayaa soo booday oo tiri,”fiiriya idinka maxaa sirteyda u kashiftee maxaa u shaaciseen in arooskeyga dhici rabo” Deepika ayaa ku jawaabtay,”ilaa goormee qarine naga dhaaf waan shaacineena” qosolkii ayaa halkiisa kasii socday.

Deepika si dhiironaan ah ayee ku shaacisay in Alia la guursan rabo mardhow ninka guursan rabana waa Ranbir Kapoor.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here