Dhowr maalin kahor waxaan idiin la wadaagnay in atiriishada Deepika Padukone lagu soo eedeeyay isticmaalka daroogada waxaana la helay qoraal WhatsApp ah oo Deepika iyo gacanyaraheeda Karishma Prakash dhexmaray.

Balse qoraalkan waxuu ahaa 2017 xili Deepika dalbaneysay daroogo kana dalbaneysay gacanyaraheeda ama maamulaheeda hadaba kiiskan oo ay baaris weyn kuwadaan qoloda daroogada baarta ayaa u waceen atiriishada Deepika si ay suaalo oga weydiyaan eedeymaha loo soo jeediyay.

Deepika mudo 5 saac ah ayaa la wareysanaayey wararka haatan waxay sheegayaan inee qiratay qoraalkii WhatsApp-ka ahaa ee ay daroogada ku dalbaneysay sheekada halkaas ayee joogtaa waxii soo bixi doonana lama oga.

Balse maanta waxaan idiin soo gudbineena macluumaad walba iyo jawaab walba ay ka bixisay xidigtaan suaalihii la weydiyay intii aan ka helno isla socod wanaagsan sido kalena Sara Ali Khan, Shraddha Kapoor iyo Rakul Preet Singh iyagana waan kasoo hadleena xaalkooda.

1 COMMENT

  1. Wax fiican maysan dhicin kolhadii Deepika Padukone qiratay in uu saxan yahay qoraalkii whatsApp ka hubaal BollywoodKa kan 2020 uma ahayn sanad fiican waxaa hareeyaay fadeexado maalinba maalinka ka dambayso kasii darayso

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here