Ugu dambeyn waxaa lagu dhawaaqay xiliga rasmiga ah ee dib loo furaayo tiyaatarada gudaha India ee sida weyn loo wada sugaayey maadama ay mudo xirnaayeen.

Horaantii bishii maarso ilaa waqtigaan ayee xirnaayeen tiyaatarada sabab la xariirta in caabuqa Karona uu gudaha India si weyn ugu faafay hadase waxaad moodaa in xoogaa laga qafiifay xaaladii hore.

Hadaba dowlada hindiya war rasmi ah ay soo saartay waxay ku sheegtay in la fasaxay tiyaatarada oo aflaamta laga daawan karo laga bilaawo 15 bishaan October tani waxay ka dhigantahay 15 October in wax walbo dib kusoo noqnayaan waliba sidoodiii.

Aflaam badan ayaa jireen in la daawadana la rabay sanadkaan sida Sooryavanshi, Radhe iyo kuwa kale oo badan balse hader jadwal iyo xili tiyaatareed ayaa loo sameeyn doonaa.

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here