Waxaa siweyn isku soo tareyso wararka ku aadan in filimka weyn Sooryavanashi la baajin doono ayadoo qorshaha uu ahaa markii hore in la daawado 24-ka bishan Maarso balse haatan mashruucan dib ayaa loo dhigi doonaa xiliga la daawan doono madaama gobolo badan Hindiya ah looga dhawaaqay in tiyaatarada la xiri doono.

Kiisaska Corono Virus-ka Hindiya laga helay ilaa haatan 70-qof ayuu ku dhow yahay sidaa darteed waxaa walaac laga muujinayaa isku imaatinka dadka sidaa darteed kooxda Sooryavanshi waxay qaadan rabaan go’aan ah in mashruucan la baajiyo xitaa heesaha laga soo bandhigi lahaa dib ayaa loo dhigay waxayna u badan tahay in la daawan doono bisha dambe April marka xaalada Hindiya caadi kusoo laabato.

Ugu dambeyntii kooxda filimka Sooryavanshi ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqeen in dib lo dhigay waqtigii la daawan lahaa filimkan weyn madaama xaalada kasii dareyso sidoo kalena magaalada Delhi looga dhawaaqay in tiyaatarada oo idil xirnaan doonaan ilaa dhamaadka bishan.

Qoraal rasmi ah oo kasoo baxay kooxda Sooryavanshi ayaa warbaahinta Hindiya loo qeybiyay laguna sharaxay xaalada Hindiya ka jirto iyo dib u dhigista daawashada filimkan balse weli lama shaacin taariikhda saxda ah ee la daawan doono mashruucan wax walbo waxay ku xirnaan doontaa hadba sida xaalada Hindiya usoo hagaagto madaama Corono Virus-ka siweyn loola tacaalayo lana diidan yahay inuu dadka ku dhex faafo weliba tiyaatarada waa goobaha dadka ugu badan isugu imaadaan oo caabuqan si sahlan la isugu gudbin karo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here