Filimsameyaha caanka ah Shekhar Kapur ee sameeyay aflaamta hirgaleen sida Masoom iyo Mr.India ayaa shaaca ka qaaday sababtii kaliftay in Sushant Singh Rajput is dilo waxuuna sheegay inuu ka qoomameynaayo inuu waxba uqaban waayey atoorahaas kahor inta uusan is dilin, sidaa aawged hader dadka waxaa u cadaatay sababtii Sushant isku dilay iyo dhibka heystay.

Shekhar Kapur oo filimsameye maqaam kuleh fanka hindiya ah waxuu yiri oo uu qoraal ahaan baraha bulshada usoo dhigay,”waan ogahay xanuunkii aad soo martay (intaa Bollywoodka kujirtay) waxaan kaloo ogahay qisadaada oodhan iyo dadka hoos kudhigeen adoo atoore dahabi ah ahed, waxaan ogahay dadka kugu kalifay inaad falkaas xun ku kacdo waxaan ogaa sida aad iila wadaagi jirtay xanuunkaada garabkeygana ugu ilmeyn jirtay markaad ciil iyo murugo dareento.”

“Waxaan ka xumahay 6-bilood udambeysay inaan aktaada ka maqnaa hadaan kula joogi lahaa sidaan awal kuu dajin jiray ayaan kuu dajin lahaa waxaan ka xumahay inaan is arki weynay mudooyinkii u dambeyay ee bandowga jiray wax walba oo kugu dhacay iyo wax walbo aad sameysay khaladkeeda adiga ma lihid dad ayaa leh una baahan in wax laga qabto.”

Direcrtor Shekhar sidaas ayuu yiri waxaa xusid mudan in Sushant laga saaray 7-Filim uu hogaamiye ka noqon lahaa sido kale aflaamtiisa qaar kamid ah wali lama daawan oo uu xili hore duubay atoorahan khaladka laga galay wax yar ma ahan qof si dhameestirannwax usheego unbaa la la’yahay mooyee reer Bollywood wax walbo wey ogyihiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here