Gabar Hindu ah oo gobolka Bihar kasoo jeeda waana gobolka ugu badan ee todobaadkan is dilka ka dhacay ayaa la sheegay inee isku dishay gabar iskuulka imtixaankiisa kudhacday waxayna isku dishay qaabkii sushant geeridiisa loo sheegay ee xariga daldalaada.

Gabadhaan ayaa ka walwalsaneed inee imtixaankii ay gashay natiijadiisa ku dhici doonto waxayna waalidkeed u sheegeysay in natiijo fiican keeni doonin sababto ah jawaabaha warqadaha ay kusoo qortay ayee oged balse waalidked ayaa dhaheen wax walbo ahaato isdaji oo wey dajinayeen gabadhaani.

Intaas waxaa sii dheer inee maalmahan telefishinka ka daawaneysay wararka Sushant Singh ee geeridiisa kusaabsan Internet-kana wey kala socotay balse taageere gaar ah uma aysan ahen waxay markii dambe go’aansataya inee is disho.

Gabadhaan ayaa xarig isku daldalshay sida Sushant Singh oo kale maadana wajiga aysiin weysay waalidkeed iyo asaxaabteeda ileen imtixaankii ayee kudhacday natiijo xun ayaana loo soo sheegi rabay.

Gabadhaan maba oga in Sushant la dilay markee is dileysay waxay u maleyneysay in Sushant is dilay murugo aduunyana heysataya iyadana waxay is dhahday adna is dil sidiisa oo kale murugo aduunyo ayaa ku heysate waana raad xun iyo tusaale foolxun oo atoorahan laga reebay geerideeda kadibna waxaa soo baxday in Sushantnla dilay.

Wadarta guud ee dhimashada Sushant sabab u noqday ayaa mareysaa 6-qof oo 5-kamid ah gabdho yihiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here