Waxaa si rasmi ah loo soo bandhigay goos gooska taxanaha sida weyn loo soo dhaweeyay ee la magac baxay Sen Cal Capimi waa taxane jaceyl iyo shactiro isku dhexjiro ah oo xagaagan la daawan doono misane ay hogaamiyaal ka yihiin Hande Ercel (Hayat) iyo Kerem Bursin.

Marka hore waxaa si weyn loo soo dhaweeyay in labadan jilaa shaashada jaceyl kujilaan Hande wey soo laabatay waliba quruxdeeda markaan waa siyaaday hadaba taxanooda cusub maxuu ka hadlaa sheeko ahaan.

Eda Yildiz (Hande Ercel) waa gabbar ardayad ah oo jecel inee waxbarasho dibada ah hesho balse aanan awoodin qarash ahaan waxay la kulmee jinka ganacsadaha taajirka ah ee Serkan Bolat (Kerem Bursin) kaaso gabadhaan u ballan waadayo waxbarasho lacag la’aan ah oo dibada ah.

Balse shuruud waxuu ku xiraa inee kunturaad heshiis la gasho oo ay iska dhigto gacalisadiisa iyo faraanti galis been ah mudo labo bilood marka hore Eda wey diide heshiiskan waayo ninkaan wey necebtahay balse marka danbe wey ogolaane maadama danteeda kujirto.

Hadaba goos gooska waxaa laguugu tusaa jiliinkooda beenta ah iyo sidee isaga dhigayaan dad is jecel oo is doorteen midba midka kale ayuuna ammaana hadhow danbe naceebkooda ayaa jaceyl isku bedeli doono maxaase dhici doono waa waxa loo daawanayo taxanaha.

Duubista taxanaha Istanbul ayee ka bilaawatay durba jilayaasha kale ee taxanaha kasoo muuqan doonaan waxaa kamid ah Neslihan Yeldan, Evrim Dogan, Melisa Dongel iyo kuwa kale waana taxane jaceyl iyo shactiro isku dhex jiro ah. Hande oo wareysi bixisay 21 May mar ay ka hadleysay doorkeeda waxay tiri,”doorkeyga waa mid shactiro ah hadana isku bedeli doono gabar jaceyl jileyso aadbaana ugu faraxsanahay la shaqeynta qofka ugu mudan in lala shaqeeyo dabci ahaana aad u fiican (Kerem Bursin).”

Taxanaha waxaa maal galineyso shirkada MF Yapim halka uu director ka yahay Ender Mihlar waxaana sheekada qortay Ayse Uner Kutlu dhowaana xalqada kowaad ayaa la filaa innla daawado.

Fadlan hadii aad rabtid halkaan hoose ka daawo goos gooska taxanahan iyo quruxda Hande Ercel (Hayat) oo aan caadi ahen sido kalena kanaalka Fox Tv ayaa laga daawan doonaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here